Madaxda 16 dal oo kamid ah Midowga Yurub (EU) oo Axadii ku kulmay magaalada Brussels ayaa ku heshiin waayey xal u helida Qaabilaada Qaxootiga badan ee qaarada Yurub soo galaya.

Kulankan deg degga ah ee ka dhacay xarunta EU-da ayaa ahaa mid lagu doonayey in lagu lafoguro xal u helida xiisada ka dhex taagan dalalka xubnaha ka ah EU oo isku khilaafsan sida ay u qeybsan lahaayeen qaxootiga dalalkooda kusoo qul qulaya iyo waliba adkaynta xuduudaha EU.

Shirkan ay joogeen madaxda 16 dawladood ayaa horudhac u ah shirwayne ay yeelan doonaan 28-ka wadan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub oo lagu wado inuu dhaco dhamaadka todobaadkan.

Qaar kamid ah dalalka ay gacanta ku dhigeen xisbiyada Xagjirka ah sida Talyaaniga ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dar dar geliyey diidmada in wadankooda qaabilo qaxootiga iyo tahriibayaasha bada laga soo badaadiyo, arrintaasi oo xiisad ka dhex abuurtay dalalka EU oo markale ku murransan cida ay tahay inay dalkeeda ku qaabisho qaxootiga soo gala xuduuda EU

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay