Haayada sirdoonka Marayakanka ee magaceeda loo yaqaano FBI da ayaa baadhaysa dhacdadii qaraxa ee lagula beegsaday Raysal wasaaraha Gumaysiga Itoobiya Abiye Ahmed.

Wasiirka Arimaha dibada Warkineh Gabayu ayaa sheegay in dawlada maraykanku ay usoo diray laanta sirdoonka maraykanka si ay baadhitaan madax banaan ugu sameeyay dhacdadii qaraxa ee lagula beegsaday Abiye.

Qaraxa bamka ayaa waxaa tuuri rabay shaqsi xidhnaa dirayska ciidanka waxaana shaki wayn keenay in shaqsi xidhan dirayska ciidan oo rabay inuu tuuro bam gacmeedka goobta uu ku sugnaa raysal wasaaraha gumaysiga Itoobiya.

Si kastaba ahaatee waxaan meesha ka maqnayn in dhac dadani ay salka ku hayso qaar badan oo kamida maamulka kooxda Woyaanaha kuwaasi oo rabay inay khaarijiyaan raysal wasaaraha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay