Waxaa is casilay gudoomiyihii ururka shucuubta koonfureed ee loosoo gaabiyo SEPDM Shiferaw Shigute arintan is casilaada gudoomiyaha ayaa salka ku haysa kadib markuu raysal wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay inay is casilaan dhamaanba maamulka shucuubta koonfureed.

Dagaalo ay kooxda TPLF ay hurisay gobolkaas shucuubta koonfureed ayaa dhacay kuwaasi oo dad badan oo shacab ahi ku nafwaayeen waxaana si colaada loosoo afmeero meesha laga saaray dhamaanba maamulkii SEPDM.

Sida la sheegay Shiferaw Shigute ayaa waxay aad isugu dhawaayeen kooxda TPLF ee xukunka laga tuuray, dhanka kale waxaa shiferaw Shigute lagu badalay haweenay u dhalatay shucuubta koonfureed oo lagu magacaabo Muferihat Kamil haatana ah afhayeen baarlamaanka gumaysiga Itoobiya.

Waxaa wali ka socda guud ahaan gumaysiga Itoobiya is badal balaadhan oo uu sameeyay raysal wasaaraha gumaysiga Itoobiya waxaana meesha kasii baxaysa awoodii kooxda TPLF ee ku naaxday dhiiga shacabka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay