Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addiss Ababa ayaa waxay sheeagayaan inuu hada soo gaadhay waftigii ka socday wadanka Eritrea magaalada Addiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya.

Waftigan ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Eritrea Mudane Osman Salah iyo Lataliyaha Madaxwaynaha Eritrea Mudane Yamane Ghebreab.

Waftigan ayaa waxaa si heer sare ah garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport oogu soo dhaweeyay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan sidii loo soo afjari lahaa murankii u dhaxeeyay labada dal ee ku saabsanaa dhulka lagu maransan yahay kaasoo Gumaysiga Itoobiya si xoog ah kaga haystay Eritrea.

Kooxda TPLF oo horay usoo haysay talada dalka ayaa waxay aad uga soo horjeedaa talaabooyinka uu qaaday Abiy Axmad kuwaasi oo ku aadanaa dhanka siyaasada asagoo is badal balaadhan ku sameeyay laamaha kala duwan ee haayadaha dalwada. Hoos ka daawo sawirada waftiga iyo sidii loosoo dhaweeyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay