Maxkamadd sare ee Mareykanka ayaa shalay taageertay amarkii madaxweyne Trump uu dalka kaga mamnuucay inay soo galaan dadka kasoo jeeda shan dal oo muslim ah.

Go’aanka maxkamadda oo ahaa 5-4, ayay ku xukuntay in madaxweynaha uu sharciga socdaalka Mareykanka awood u siinayo inuu xadido safarka dadka ajnabiga ah, sababo la xidhiidha xagga amniga, sida maamulka Trump uu ku dooday.

Madaxweynaha “waxa uu si sharci ku jiro u adeegsaday ikhtiyaarka uu siinayo sharciga socdaalka, si dadka ajnabiga ah uu uga hakiyo inay soo galaan dalka Mareykanka” waxaa sidaas qoray xaakimka sare ee maxkamadda John Roberts.

Dalalka dadkooda laga mamnuucay Mareykanka ayaa kala ah Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen, oo muslim wada ah iyo dalka Korea-da Waqooyi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay