Magaca OYSU oo ka kooban afar xaraf oo aad u mugwayn kalana ah Ogaden Youth and Students Union ururkaas oo sharaf iyo karaamo kudhex leh shacabwaynaha Somaliyeed gaar ahaan shacabka Somalida Ogadeniya. Ururka dhalinyarada ee OYSU oo ah urur caan ah kana hawlgala dhamaan dunida dacaleeda meel kasta oo bulshada Soomaaliyeed ku dhaqantahay, isla markaana u hadla shacabka dulman ee Soomaalida Ogaadeeniya ayaa maanta 8 sano jirsaday.

Wixii ka horeeyay 2010 ka waxaa daafaha aduunka ku firirsanaa dhaliyarada Soomaalida Ogaadeeniya kuwaas oo isku xidhan meel kasta oy joogaan. Waxayna samaysteen ururo laysku baro dhalinta iyo maadooyin keeni kara in laysku xidhnaado Dhamaan dhalinyaradu waxay lahaayeen hal ujeedo oo ay ka midays naayeen balse waxay wateen magacyo kala duwan sida OSF, OSF-SA, OYN, ONA, SOYA IYO MAGACYO KALE.

Hadaba markii la ogaaday faa-iidada iyo waxtarka ay leeyihiin dhalinyaradu ayaa la gartay in loobaahan yahay hal magac oo mideeya ururo badan oo isku ujeedo ah dhamaantoodna garabtaagan Shacabkooda iyo qadiyadooda gobanimo doonka ah. Waxaana la asteeyay sidii ugu haboonayd ee lagu heli lahaa. Arintaas oo gudiyo iyo shirar badan laga yeeshay waxaa qabsoomay shirwayne kadhacay qaarada yurub kaas oo lagu dhisay ururka OYSU 27-06-2010 halkaas oo lagu dajiyay nidaam iyo qorshe laguna doortay maamul haga oo uu hogaanka u haya waxaana gudoomiyihii ugu horeeyay ee ururka dhalin yarada noqday Mudane Mujaahid Sheekh Ibraahim.

Halkaas waxaa ka dhaqaaqay miisaankii iyo xoogii ururka dhinyarada waxayna soo bandhigeen awood iyo cudud muujisay wax qabadkoodi waxayna kasoo dhalaaleen aduunka mudo yar gudaheed. Dhaqanka iyo hidaha, taariikhda iyo sooyaalka, gudbinta dhacdooyinka isdaba jooga ah ee gudaha wadanka Ogaadeeniya iyo muruq, maal iyo maskaxba waxay noqdeen kuwo waax muhiim ah ka noqda raadinta xaqa shacabka muujiyayna jiritaanka Soomaalida Ogaadeeniya.

Mudo sadex sano kadib ah waxaa Shirwaynihii ururka lagu qabtay dalka Maraykanka halkaas oo lagu qiimeeyay ururka mudadii uu jiray waxaana la gaadhay guulo lagu taamo waxaana dhacday doorashadii 2 aad ee ururka markale ayaa la doortay mudane Mujaahid Sheekh, balse mudo yar kadin waxaa hogaanka sare qabtay Mudane Jamaal xukun.

Sidoo kale 3 sano kadib waxaa shirwaynihii 3aad lagu qabtay qaarada Yurub waxaana ladhisay maamulka hada jira ee uu hogaanka u yahay mudane Shaafi Sheekh Cabdi (Shaafi shilaabo) wuxuuna horay u qaaday talaabooyin muhiim ah.

 

W/Q.  Amiir Ahmed (Dhasha_JWXO)

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay