Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim oo lagu baahiyay warbaahinta Geeska Africa ayaa si rasmi ah shaqada uga joojisey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaano General Gabre oo shaqadiisa ay aheyd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Generalkan ayaa si weyn Soomaalida dhexdeeda looga yaqaan, isagoo galaangal u lahaa siyaasadda Soomaaliya, una kala dabqaadi jiray horjoogayaasha siyaasadda soomaaliya, waxaa kale oo uu ahaa shaqsi ay Itoobiya meesha keen satay kaasoo la dagaalamaayay inay soomaaliya mar labaad cagaheeda ku istaagto.

Hadaba waraysi arintaas la xidhiidhay ayay idaacada VOA da laanta afka soomaaliga la yeelatay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuuna sheegay in is badal balaadhan Itoobiya kadhacay lagana yaabo inay xilka qaadista Gabre xidhiidh la lee dahay arintaas.

Dhanka kale profesorka oo wax laga waydiiyay is badalka Itoobiya iyo xidhiidhka soomaalida kala dhaxayn doona ayaa wuxuu sheegay in lagu qiimayn doona sida ay ula dhaqmaan dadka soomaaliyeed ee ku hoos nool xukun kooda.

Hoos ka dhagayso waraysiga.

ONA.

      1. b841bdae-fe63-4ab2-a878-c2d6c0711a9f_48k
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay