Kaddib Qaraxii uu ka badbaaday madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, ayuu ku eedeeyay in Qaraxaasi ay ka danbeysay sida uu hadalka u dhigay Grace Mugabe oo ah xaaska madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in uu Qaraxaasi ay ka dambaysay Xaaska Madaxweynihii hore Robert Mugabe, laakiin wali ay socdaan baadhitaano. Mnangagwa ayaa warbaahinta u sheegay in koox lagu magacaabo G40 oo ay taageerto Grace Mugabe ay qaadeen qaraxii dhawaan lala beegsaday isu soo bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Bulawayo.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay 2 qof halka in kabadan 40 qof ay ku dhawaacmeen, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay