Wararka haatan nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in dagaalo ay ka socdaam meesha lagu magacaabo Asosa oo kamida Gobolka Bineshangu Gumus ee gumaysiga Itoobiya.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay 7 qof oo shacab ah waxaana kale ku dhaawac may tiro intaas ka badan dagaalkan ka socda galbeedka Itoobiya ayaa wuxuu ku sii fidayaa marba marka kasii dan baysa shucuubaha kala duwan ee xukunka woyaanaha ku hoos nool.

Kooxda TPLF ayaa waxay aad ugu mashquul san tahay sidii ay isaga horkeeni lahayd dhamaan qoomiyaha jaarka ah ee ku hooa nool xukun kooda waxay huriyeen colaad iyo dagaal u dhaxeeya qoomiyadaha wada daga ee jaarka ah.

Waxaa sidoo kale dagaalo noocan ah ay ka socdaan gobolka shucuubta koonfureed kuwaasi oo u dhaxeeya laba qoomiyadood oo wada daga.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idinka kala socod siin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay