Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya ayaa waxay sheegayaan in dagaal faraha la isku saaray uu ka dhacay meesha lagu magacaabo Ma’ayso oo kamida Gobolka Shiniile ee galbeedka Ogaadeniya.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxaa weerarka soo qaaday maleeshiyaad Oromo ah. Dagaaladan u dhaxeeya Soomaalida Ogadenya iyo Oromada ayaa waxaa dabada ka riixaya hadhaagii kooxda TPLF oo rabta inay xukunkeeda kusii dheeraysato waxayna meelo badan sidan oo kale dagaalo uga kala dhex hurisay shucuub wada dagan ee jaarka ah.

Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay 2 waxaana dhaawac soo gaadhay tiro kale oo shacab ah. Shacabka Soomaalida Ogadenya iyo Oromada waa dad walaalo ah oo daris ab isla markaana u baahan inay sii xoojiyoom wada shaqayntooda iyo xidhiidhkooda walaaltinimo.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay