Gumaysiga Itoobiya ayaa ugu danbeyntii Xabsiga ka siidaayay Naftiihure Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) isagoo mudo sanad ku dhaw u xidhnaa Gumaysiga Itoobiya. Muuqaalo muujinaya in Naftiihure Qalbi-Dhagax uu xorriyadiisii dib u helay ayaa la arkayay isaga oo lasawiran muwaadiniin kale magaalada Addis Ababa.

Bishii 8aad ee sanadkii 2017 ayeey aheyd markii ay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ka soo qabteen magaalada Gaalkacyo, wixii xiligaa ka danbeeyayna dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay gumaysiga Itoobiya, iyadoo taallaabadaa kala kulantay caqabado siyaasadeed, iyadoo lagu cambaareeyay dhiibista Qalbi-Dhagax.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya wali kama aysan hadal warka ku saabsan sii deynta Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax. Waxaa sidoo kale aan wali ka hadlin sii daynta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax Jabhada ONLF oo uu kamid ahaa masuuliyiinta ugu sar saraysa ee ururka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay