Hogaamiyayaasha Midowga Yurub (EU) ayaa shalay heshiis ka gaadhay arimaha dadka usoo tahriibaya ee qaaradda Yurub kusoo qulqulaya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay war wanaagsan, islamarkaana wada-shaqeynta Yurub ay guuleysatay. Heshiiskan ayaa dhigaya in xarumo lagu soo dhoweeyo qaxootiga laga sameeyo dalalka ka tirsan Midowga Yurub ee si mutadawacnimo ah u ogolaada.

Talyaaniga ayaa diiday in wax heshiiskan ka mid ah lagu ansixiyo shir madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels, waxaana Roma ay dalbatay in wax badan la sameeyo, si looga caawiyo xasaradaha muhaajiriinta. Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in dalkiisa uu go’aan ka gaadhi doono, haddii ay sameynayaan xarumo qaxootiga lagu soo dhaweeyo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay