Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa idaacadda saxaafada u xaqiijiyey in dad ka badan 80 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay shalay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal. Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xidhxidhay oo si xun loola dhaqmay.

Trump ayaa mid ka mid ah siyaasadihiisa ka dhigay in dadka aan sharciga lahayn iyo kuwa dambiyada galay laga tarxiilo dalkan. Dhinaca kale Trump waxa uu soo saaray sharci mamnuucaya dadka qaxootiga ah ee ka yimaada ilaa 7 waddan oo ay ku jirto Soomaaliya, isaga oon sheegay inuu tallaabadaais u qaaday arimo amniga ku saabsan awgeed.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay