Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Binishangul ayaa waxay sheegayaan in dagaal uu ka socdo gobolkaasi oo ay ku barakaceen in ka badan hal milyan oo qof kuwaasi ka cararay dagaalada ka socda deegaanka.

Goobaha ay dadku aadka uga barakaceen ayaa waxaa kamid ah Gedeo and Galbeedka Guji waxaana inta la diwaan galiyay lagu sheegay 793,000 qof kuwaasi oo ku sugan goobo loo cayimay. Dagaaladan ayaa waxaa hurinaya kooxda TPLF waxaana dagaaalo badan oo noocan oo kale ahi ka socdaan dhulka Soomaalida Ogaadeniya, Oromada iyo Shucuubta Koonfureed.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa waxay ku baaqeen in gar gaar deg deg ah lala soo gaadho dadkan shacabka ah ee ku barakacay dagaalada ka socda gobolka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay