Waxaa kulankoodii caadiga ahaa isugu yimid jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Yemen waxaana lagu qabtay magaalada Sanca ee caasimada wadanka Yamen.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Yemen waxaa shirka lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Sheekh Mohamed Hassan, isaga oo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga waramaayay marxalada halganka Ogaadeniya iyo Gumaysiga Itoobiya ee sii liicaya.

Waxaa asagana warbixin laga dhagaystay Hogaanka Warfaafinta Jaaliyada Mudane Ahmed Nuur, isaga oo soo jeediyay warbixintii todobaadka. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay qaar badan oo kamid masuuliyiinta jaaliyada iyo xubnaha waxayna ka warameen marxalaa guud ee halganka.

Shirka ayaa gaba gabdii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo kaalinta halganka Ogaadeniya ay kaga aadan yihiin Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee Yemen .

 

ONA/Yemen .

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay