Afhayeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya  (JWXO) Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa dulmane u xidhnaa Gumaysiga Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya.

Mudane Cadaani ayaa sheegay in labaatan maalmood kahor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad gaar ah, maxbuusna uusan aheyn sidoo kalena uusan xoriyad heysan, midaasina ay tahay wax aad looga xumaado.

Naftiihure Qalbi-Dhagax wuxuu ahaa siyaasi u xidhnaa Gumaysiga Itoobiya, in odayaal uu maggan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista ee caalamiga ah, labaatan maalmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah oo buuxda.

Halgame Cadaadi ayaa dhan kale ka hadlay in la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo, isaga oo sidoo kale tilmaamay inaanay markale dooneyn in (Qalbi-dhagax) uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowlada Somaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii September, ee sanadkii 2017 ku wareejisay Gumaysiga Itoobiya taasoo dhalisay muran siyaasadeed oo aad u balaadhan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay