Golaha wasiirada gumaysiga Itoobiya ayaa baarlamaanka Itoobiya ugud biyay nuqul ururada gobanimo doonka ah looga saarayo liiska aragagixisada ee horay gumaysiga Itoobiya ugu suntay ururadaas.

Ururada ONLF, OLF iyo Ginboot 7 Arbanyooj oo baarlamanka gumaysiga Itoobiya horay u ansixiyay inay argagixiso yihiin waxaana isla baarlamaankii la horgayn doonaa qodobkan looga saarayo ee argagixisada liiska argagixisada.

Talaabadan ayaa dhabaha uxaadhi doonta isu soo dhawaansho jabhadaha hubaysan iyo gumaysiga Itoobiya.

Xukuumada cusub ee gumaysiga Itoobiya ayaa wada qorshayaal ka duwan kuwii hore ee TPLF
waxaana xukuumada cusub laga dareemaya furfuraan iyo xogaa isbadal ah.

Shacabka soomaaliga Ogaadeniya oo waligiiba dulmi, dil iyo xaquuq la,aan ku jiray ayaa wali gacan bidixayntii lagu hayaa shidaalkoodiina lagu hor qodan hayaa.

Ugu danbayn talaabada ONLF iyo ururada mucaradka ah looga saarayo argagixisada lagu suntay ayaa ah talaabo wanaagsan ayadoo markii horaba si cadaalad daro ah loogu daray hadana waa talaabo dhanka wanaagsan looqaday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay