Dowladda Portugal, ayaa ka qaadeysa dalka Masar afar boqol (400) oo ka mid ah qaxooti ku nool dalkaas oo dib u dejin ka helay Portugal , waxaana ay qaadista dadkan ka dambeysay heshiis ay waddamada reer Yurub la galeen dowladda Masar, kaaso dhigaya Masar inay ka hortagto tahriibiyaasha ka baxa dalkaas, waddamada Yurubna ay dib u dejin u sameeyeen qaxooti badan ee Masar ku nool.

Dabayaaqada sannadkan ayaa lugu wadaa dadka ugu horreeya ee ka mid ah qaxootiga dib u dejin ka helay Portugal in laga qaado dalka Masar, waxaana la dhammeystiri doonaa sannadka 2019.

Dowladaha Britain, Jarmalka, Sweden iyo Nederland ayaa horey dib u dejin ugu sameeyay boqollaal ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ku nool dalka Masar, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay