Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan  in ciidamada hawaarinta ee dhaaraanka u ah kuwa Gumaysiga Itoobiya ay wiil shacab ah ku dileen duleed ka magaalada Shilaabo ee gobolka Qorahay.

Wiilkan ay kooxda hawaarinti dishay ayaa waxaa magaciisa naloogu sheegay Kaafi Cabdulaahi Mohamed waxaana markii la dilay uu sii doonayay xoolo sida ay noo xaqiijiyeen dadkii ehelka ahaaa.

Ciidmaada hawaarinta ayaa waxay dhibaatooyin aad u badan ku hayaan dadka shacabka ah ee soomaalida Ogaadeniya waxaana marba marka kasii danbaysa kasii daraysa dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah.

Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu wiilkaas u naxariisto ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

ONA/Shilaabo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay