Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa si weyn looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegay markii gobolada Koonfur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabad ay kasoo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dalka ayaa lagu qabtay aqalka dowlada Hoose ee Xamar, waxaana khudbado ka jeediyay masuulyiin badan. Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho waxaa lagu xardhay astaamo muujinaya maalmaha xoriyada iyo halgamayaashii soo maray dalka, iyadoona la arkayay dadweyne fara badan oo iskugu soo baxay wadooyinka.

Maanta ayaa la filayaa in si weyn loo xuso munaasabada waxaana diyaargarowgeeda laga dareemayaa magaalooyinka kala duwan ee dalka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay