Waxaa saaka Axad ah taariikhduna ay tahay 1/7/2018, ka furmay caasimada wadanka Eritrea ee Casmara Shirwaynihii 3aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO/ONLF).

Shirwaynahan oo socon doono haduu ilaahay yiraahdo mudo 10 bari kabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hogaanka Sare ee JWXO, Golaha Dhexe, Gudiga Fulinta, Kaadirka, Ururrada Bulshada ee kala duwan, Taageeroyaasha JWXO, iyo Marti Sharaf kale oo shirkan lagu marti qaaday.

Ergooyinka iyo Masuulintan ka qaybqaadanaya shirkan ayaa waxay ka kala yimaadaan shanta qaaradood ee aduunka. Shirwaynahan ayaa lagu gorfayn doonaa arimo badan oo muhiim ah sida geedi socodka halganka Soomaalida Ogadenya, isbedallada kasocda Itoobiya, iyo doorashada Hogaanka Sare ee JWXO, Qiimaynta Istiraatiijiyada guud ee halganka iwm.

Bahda ONA waxay si joogta ah idiin la wadaagi doontaa haduu ilaahay yiraahdo geedi socodka shirwaynaha iyo kolba meesha ay wax marayaan, hadaba yaan la moogaanin ONA oo warar xiiso leh idin lawadaagi doonta inta uu shirwaynuhu socdo.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay