Sidii aan warar kaanagii hore idiin ku soo gudbinay ba waxaa saaka ka furmay wadanka Eritrea Shirwaynihii 3-aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) wuxuuna wali si hab sami ah uga socdaa madasha shirka uu ka socdo.

Shirwaynahan oo socon doono haduu ilaahay yiraahdo mudo 10 bari ka badan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Hogaanka Sare ee JWXO, Golaha Dhexe, Gudiga Fulinta, Kaadirka, Ururrada Bulshada ee kala duwan, Taageeroyaasha JWXO, iyo Marti Sharaf kale oo shirkan lagu marti qaaday.

Shacabka Soomaalida Ogaadeniya ayaa wuxuu aad uga dhur sugayaa wax yaalaha kasoo baxa shirkan ayagoo la rajaynayo in isbadal balaadhan lagu sameeyo hogaan sare ee ururka.

Waxaan dib idiin kasoo gudbin doonaa warbixinta shirka oo dhamaystiran hadii eebe yidhaahdo hoos ka daawo sawirada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay