Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Jalalabad ee bariga dalka Afqaanistaan.

Qaraxan oo ka dhacay meel u dhow dhismaha xafiiska barasaabka gobolka ayaa sidoo kale waxaa uu burburiyay dhismayaal ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Madaxweynaha dalkaasi Ashraf Ghani, ayaa saacada ka hor qaraxa booqday magaaladaasi.

Sarkaal ka tirsan kuwa gobolka ayaa sheegay in siddeed ka mid ah dadka qaraxaasi ku dhintay ay ahaayeen xubno ka tirsan Hinduuga laga tirade badan yahay oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Ghani.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Qaraxa ayaa ku soo beegmayo maalin uun kaddib markii dowladda dalkaasi ay billowday hawlgal ka dhan ah mintidiinta Taalibaan kaddib xabbad joojin hal dhinac ah oo ay Taalibaanku ku dhawaaqeen xilligii ciidul fidriga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay