Warbaahinta dowlada Iiraan ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen dibad baxyo balaadhan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday degaanada Koonfur Galbeed ee gobolka Khuzestan.

Dadkan shacabka ah ee dibad baxa dhigayay ayaa waxaa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu iska hor imaad dhex maray iyaga iyo laamaha Ciidanka Ammaanka ee dalka Iiran. Wararka ayaa intaasi ku darayaa in 11 Ruux oo dadkaasi ka mid ah uu soo gaaray dhaawac daran oo haatan lagu dabiibayo isbitaalada kala duwan ee dalkaasi kadib rasaas ay ku fureen kooxo hubeysan xilli ay dibad bax ka dhigayeen magaalada Abadan.

Dadkan dibad baxaya ayaa waxaa ay dowlada Iiraan ka dalbanayaan in ay helaan biyo nadiif ah iyo adeegyada kala duwan ee asaasiga ah oo ay dowlada uga baahan yihiin. Ma aha Markii ugu horeysay oo dalka Iiraan ay ka dhacaan dibad baxyo looga soo horjeedo dowlada dalkaasi ka talisa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay