Ciidanka Gumaysiga Itoobiya iyo canaasiirta ushaqaysa ee hawaarinta ayaa xalay dad shacab ah guryahooda kala baxay gaar ahaana xaafada 6aad ee magalada Dhagaxbuur.

Dadkan oo tira dooda naloogu sheegay 4 ruux ayaa waxaa lagu soo qaaday gaadhi ilaa hadana lama oga meesha rasmiga ah ee lageeyay, sida aan xog ku helayno mid kamid ah dadkan shacabka ah ayaa safar ku yimid magaalada wuxuuna kasoo safray miyiga Gobolka Jarar gaar ahaana tuulada Bardaaxle oo katirsan dagmada Dhagaxbuur.

Muwaadinka socotada ahaa ee la xidhay ayaa magaciisa naloogu sheegay Muhumed Nuur Ibraahim sidoo kale dadkan sida xaq darada ah guryahooda looga kaxaystay ayaa waxaa kujira hooyo da’ ah oo lagu magacaabo Faadumo Daa’uud Aw-Muuse oo da’ deeda naloogu sheegay 70 jir.

Dhibka iyo tacadiga lagu hayo shacabka Soomaalida Ogadeniya ayaa sii laba jibaarmaya iyadoo wadanka Gumaysiga Itoobiya uu kasocdo isbadal dhankasta ah oo saan saan wanaagsan laga dheehan karo balse shacabka Soomaalida Ogadeniya ayaan wali saamayn is badalkaasi kasoo muuqanaya Itoobiya inteeda kale.

 

ONA/Dhagaxbuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay