Wararka nagasoo gaadhaya gudaha ogaadeniya gaar ahaan dagmada baabili ee gobolka Faafan ayaa waxay sheegaya in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay weeraro ku hayaan dad shacab soomaaliyeed ah oo ku dhaqan baabili iyo agagaarkeeda.

Sana dahanba waxaa socday gumaad xoogan oo ka dhan ah shacabka somaliyeed ee xaduudka oramada dagan, waxaana dabada ka riixaysa kooxda TPLF ee wakhtigeedii dhamaaday si ay ugusii cim dheeraysato.

Shacabka soomaalida ogaadeniya iyo Oramada oo ah dad walaalo ah xad dheer na wadaaga ayaa waxaa iskudir kooda kashaqeeya kooxda TPLF oo horay ugu guulaystay daadinta Dhiig badan oo labada dhinac ah.

Gacanyarayaasha Somalida iyo oramada ayaa sidoo kale sii hurin haya Colaada labada shacab Balse hada oo maamulkii TPLF meesha kasii baxayo ayaa Wali waxaa sii daadan haya dhiig ay kooxo gaar ah rabaan inay danahooda ku gaadhaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaan ilaahay ka baryay inuu kala qaboojiyo dhiiga daadan haya iyo dadka dariska ah ee la isku diraayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay