Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu hadda qorshaynaynin inuu talaabo ka qaado Ururka Ganacsiga Adduunka ee loosoo gaabiyo (WTO), haseyeeshee, uu u digayo.

Trump oo warbaahinta kula hadlaya Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo, xili ay wada joogeen ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte oo Maraykanka booqanaya, ayaa madaxweyne Trump uu ku celiyey cabashadiisii la xidhiidhay ururka Ganacsiga Adduunka ee fadhigiisu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo uu sheegay in ururkaasi uu Maraykanka si xun ula dhaqmo, dalkiisana uu khasaare badan galiyey.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa diiday warar sheegaya in Aqalka Cad uu qabyo qorayo hindise sharciyeed Trump u ogolaanaya inuu isagu xaddido heerka tacriifta, isaga oo aan maraynin xeerarka ururka Ganacsiga Adduunka u yaalla ee lagu midaysan yahay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay