Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in dagaalo khasaare balaadhan gaystay ay ka socdaan xuduuda u dhaxaysa Sudan iyo Itoobiya.

Dagaaladan ayaa waxay salka ku hayaan kadib markii la dilay beeralay Axmaaro ah duleedka magaalada Matema ee ku taala xuduuda labada dal. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay dad badan waxaa kale oo ku dhaawacmay qaar kamida ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Xaalada Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa kusoo badanaya dagaalada ku salaysan qabiilka iyo deegaanada dariska ah kuwaasi oo ay isku beegsanayaan dadka wada daga deegaamadan ee jaarka ah. Arintan isku dhacyada qoomiyadaha ayaa waxaa dabada ka riixaya kooxda TPLF oo rabta inay xukunka kusii dheeraysato.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib  ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay