Waxaa hada soo nabad gaadhay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyyata ee magaalada Nairobi Naftiihure Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo soo dagay daqiiqado ka hor hadana wali ku jira garoonka waxaana loosoo gudbin doonaa goob loosii diyaariyay magaalada Nairobi.

Naftiihure Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiisha jabhada ONLF ayaa waxaa Gumaysiga Itoobiya usoo gacan galiyay dawlada Federalka ah ee Soomaaliya waxaana hada soo daysay Itoobiya oo uu ka dhacay is badal balaadhan oo lagu sii daynayo maxaabiista sida xaqadarada ah ugu xidhan xabsiyada kala duwan ee Itoobiya ku yaala.

Halgame Qalbi Dhagax ayaa waxaa si wayn usoo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi xildhibaano Soomaaliyeed iyp masuuliyiin waxaana garoonka kaga hortagay dad badan oo shacab ah kuwaasi oo ka qayb qaadanayay soo dhawayntiisa, Soo dhawaynta Naftiihuraha ayaa waxaan u kala hadhin dhamaan shacab waynaha Soomaaliyeed ee xalaasha ah kuwaasi oo markii hore ba u hiiliyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay