Waxaa wali si habsami leh u socda shirwaynihii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) oo soo bilawday koow dii bishan aynu ku jirro wuxuuna wali si habsami leh uga socda madasha shirwaynaha.

Shirka maanta ayaa waxaa lagu falan qaynayay siyaasada guud ee Gumaysiga Itoobiya, khayraadka Soomalida Ogadeniya iyo Siyaasada qalafsan ee Gumaysiga Itoobiya.

Shirka ayaa sidoo talo waxaa khudbado iyo talooyin badan lagaga dhagaystay aqoon yahanada Soomaalida Ogaadeniya ee kasoo qayb galay shirka waxayna si qotodheer leh uga hadleen marxalada halganka waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah.

Shirka ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo tobanka bishan ay nu ku jiro waxaana lasoo afmeeri doonaa wixii intaas ka danbeeya, Shacabka soomaaliyeed ee Ogaadeniya ayaa waxay aad uga dhur sugayaan waxa kasoo bixi doona shirwaynaha JWXO oo kusoo beegmay xiliyo is badal balaadhan uu ka dhacay Geeska Afrika iyo Gumaysiga Itoobiya.

Hoos ka daawo sawiradii madasha shirka ee aan maanta idiinka kasoo qaadnay.

ONA/Asmara.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay