Ciidamada Israel ayaa rasaas ooda uga qaaday kumanaan haween ah oo ka qeyb qaadanayey mudaharaadka ka socda Marinka Gaza.

Kumanaan haweenka Falastiiniyiin ah oo ku dhaqan Marinka Gaza ayaa sameeyay banaanbax balaadhan oo ay uga soo horjeeda dhul boobka Israel, isu soo baxan oo qeyb ka ah Mudaharaadka ka socda Gaza oo soo bilowday bishii Maarso. Shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan dhulka Gaza ayaa kasoo horjeeda xayiraada Israel iyo Masar saareen dhulkaasi tan iyo intii kooxda Xamaas la wareegtay maamulka Gaza sanadkii 2006.

Haween gaadhaya 134 ayaa shalay ku dhaawacmay banaanbaxa ka dhacay nawaaxiga siliga ay israel ku xirtay Gaza, kadib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen haweenkaasi ka qeyb qaadanayey banaanbaxa ay ugu magac dareen Socodka dib ugu noqoshada Dhulkii Falastiin laga boobaya kadib dagaalkii sanadkii 1948.

In badan oo kamid ah haweenka ka qeyb qaadanayey mudaharaadkii ayaa ahaa hooyooyinka dhalinyaradii bilihii lasoo dhaafay lagu dilay banaanbaxa ka socda Gaza.

Tan iyo intii ay bilowdeen mudaharaadyadan ayey Israel toogasho ku dishay 138 qof oo reer Falastiin ah oo aan hubeysneyn kuwaasi oo dhigayey mudaharaadka, falkaasi oo ay Beesha Caalamka si adag u cambaareysay marka laga reebo Maraykanka oo isagu horjoogsaday qaraarkii Golaha Amaanka kasoo bixi lahaa ee lagu cambaareenayey xasuuqa Israel ka wado Gaza.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay