Bishii 4aad labadeedii 2018 waxaa Itoobiya loo doortay Raysalwasaare Abiy Axmed waxaana loo dhaariyay islamarkiiba xilka Ra’iisul Wasaaraha, laga bilaabo maalinkii ladoortay wuxuu taliska Itoobiya bilaabay dib uhabayn iskushaandhayn iyo shaqo kafadhiisin xowli kusocota oo meel walba gashay isbadalka ayaa ahaa kii ugu waynaa ee kadhaca Itoobiya ilaa 1991 oo Tigray xukunka lawareegay.

Hadaba labadii bilood ee ugu danbeeyay waxaa Itoobiya kadhacay isbadal siyaasadeed oo gudaha iyo dibadaba ah waxayna Itoobiya dib usoo celisay xidhiidhkii Eritria oo ahaa wadan ay dulmi badan kagashay dhulkiisiina xaq darro ku haystay. Itoobiya waxay siidaysay kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah waxaana kamid ahaa dadka lasiidayay saraakiil ka tirsanaa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO/ONLF), OLF iyo Ginbot 7.

Waxaa kale oo uu Abiy Axmed meesha kasaaray amarkii deg degga ahaa ee wadanka saaraa, wuxuuna xaqlayaal xabada lagu qasbay u aqoonaday Jabhadaha ONLF, OLF iyo Ginbod 7, wuxuuna ugu baaqay wadahal iyo xabad joojin iyo in wixii halgan ahaa qaab nabadeed lagu xaliyo walise ma jiraan jawaab rasmi ah oo kasoo baxday jabhada ONLF marka laga reebo inay soo dhaweeyeen in hab nabad ah lagu xaliyo qadiyada Soomaalida Ogaadeniya.

Abiye waxa uu shaqada kafadhiisayay qaar kamid ah saraakiishii Tigrayga ahayd ee dhiig miiratada ahaa oo ay ugu horeeyeen Taliyihii ciidanka milatariga Itoobiya, Taliyihii sirdoonka Itoobiya, waliba kii booliska iyo dhaamaan laamihii nabadgalyada iyo saraakiil badan oo ay kamid yihiin kuwii dhulka Soomaalida Ogaadeniya xooga ku haystay ee tacadiyada badan kagaystay.

Waxa uu dhexgalay killilada Itoobiya waxa uu bedalay madaxwaynyaal ay kamid yihiin kii Canfarta iyo Herarida, waxa uu baarlamaanka Itoobiya hortiisa ka qiray in dowlada Itoobiya argagixiso ahayd oo ay dadka la hadhay wadankana qastay. Waxa uu dib uhabayn uu ku sameeyay dhaqaalihii Itoobiya gaar ahaan shirkadihii ugu waawayna ee ay Tigraygu magaca dowlada ku haysteen waxa uu kadhigay kuwa ka madaxbanaan dowlada oo shacabku maalgashan karo.

Hadaba intaas waxaa kasoo horjeeda oo raba inay dhiiga shacabka sii nuugan kooxda TPLF iyo kooxo yaryar oo ku daba noolaa waxayna marar badan isku dayeen dilka Abiye Axmed iyagoo maalin dhawayd qarax labeegsaday. Waxayna sii labad jibaareen isku dirka qomiyadaha kala duwan ee Itoobiya ku hoos nool sida Soomaalida iyo oramada, Shucuubta Koonfureed iyo Oramada, Canfarta iyo Axmaarada.

Maantana waxa uu dagaal kasocodaa Gobolada Faafan, Afdheer iyo xuduudka Sudan iyo Itoobiya waxaana hurinaya kooxda naflacaariga ah ee TPLF oo raba inay minjo xaabiyaan isbadalka guud ee Itoobiya kasocda. sidaas darteed Gumaysiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa dib uhabayn iyo halis. Shacab ka Soomaalida Ogaadeniya ayaa looga baahanyahay inay indho dheer yeeshaan sidhowna ula socdaan xaalka Gumaystaha Itoobiya iyo kolba meesha uu ujihaysto.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay