Tababar maamul{hogaamin} oo socday mudo toban maalmood ah oo lagu baranayay qaybaha kala duwan ee hogaaminta ciidanka  ayaa loosoo  gabagabeeyay  madaxda ciidanka ee qaybta Birjeex  ee jwxo Koorsadan gaaban waxay furantay  5/3/12 iyadoo lasoo gabagabeeyay 15/3/12 .Tababarkan oo ay soo diiyaariyeen taliska guud ee cwxo  waxaa loogu talagalaya in kor loogu qaado aqoonta hogaaminta ee madaxda dagaalyahanada  jwxo  , ayaa waxa casharo ka bixiyay macalimiin  khibrad iyo aqoon fiican u leh casharada ay bixinayeen, waxay macalimiintu amaan u soo jeediyeen madaxda  soo diyaarisay  koorsadan xilligan  adag ee jiilaalka ah taasina waxay ka markhaati kacaysaa dadaalka joogatada ah ee loogu jiro kor u qaadista  maamul ee madaxda ciidanka .

Koorsadan gaaban oo lagu baranayay waxyaalo badan ayaa dhamaan xubnihii ka qaybgalay waxay muujiyeen sida ay uga faa’iidaysteen iyagoo dhinaca kalana balanqaaday inay fagaaraha dagaalka ka muujindoonaan aqoonta ay heleen

Koorsadan gaaban oo loogu magacdaray  Cabdi cabdulaahi  ayaa waxaa xidhitaankeedii ka soo qayb galay  madaxda xarunta dhexe iyo maamulka taliska ciidanka jwxo

Koorsadan waxay qayb ka tahay koorsooyin  xidhiidh ah   oo aqoon loo fidiyo madaxda hogaamisa cwxo  taas oo lagu dhisayo  cwxo ,si uu u hanto waajibaadka laga sugayo

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay