Baarlamaanka Gumaysiga Itoobiya ayaaa asixiyay sharci cusub oo ururada hubaysan ee gobonimo doonka ah sida ONLF, OLF iyo Ginbot 7 looga saarayo shaabadii uu saaray taliska Woyaanuhu ee ahayd inay aragagixiso yihiin.

Golaha Wasiira ee Itoobiya ayaa todobaadkii hore baarlamaanka ka codsaday inay xeerkan cusub meel mariyaan ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 na kasaaraan shaabadii dulmiga iyo cadaalad darrida ahayd rr xukuumadii hore ee Woyaanuhu ku calaamadisay argagixisonimada.

Go’aankan uu qaaday Baarlamaanka Itoobiya ayaa ah mid horay loo qaaday waxayna kusoo aadaysaa xili maanta uun hay’ada xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Right Watch (HRW) ay soo saartay warbixin ay kaga hadlayso dhibaatooyin iyo tacadiyada ka jira xabsiga Jeel Ogaden oo ku yaala magaalada Jigjiga ee Ogadenya.

Inkastoo shacabka Soomaalida Ogaadeniya wali ku jiraan Gumaysi iyo cabudhin aan wax lagu qiyaasi karo uusan jirin hadana waxay qaaday xukuumaday cusub ee Abiy Axmed talaabooyin wanaagsan oo dhanka fiican loo qaaday taasi oo u horseedi karta qadiyada shacabka Soomaaliyeed in miiska wada-hadalka lagu soo afjaro.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay