Sidii aan warar kaa nagii hore idiin ku soo gud binay waxaa ka socday Caasimada Asmara ee wadanka Eritrea shirwaynihii 3 aad ee JWXO kaas oo soo bilaw 01/07/2018 ka waxaana shirku maanta galay maalinkii shanaad wuxuuna u socda si habsami leh.

Hadaba shirkan ayaa waxaa lagu doortay gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) waxaana mar labaad xilkaas si aqlabiyad ah loogu doortay Halgame Admiral Mohamed Omar Osmaan oo ahaa gudoomiyihii hore ee JWXO.

Gudoomiye Mohamed Omar Osmaan oo doorashada kadib qudbad soo jeediyay ayaa wuxuu sheegay inuu sii wadi doona xoriyad uraadinta shacabka Soomaalida Ogaadeniya asagoo tilmaamay inay jid kasta u marayaan sidii uu shacabka Soomaalida Ogadeniya u heli lahaa xoriyadiisa.

Dhanka kale waxaa wax laga bedalay qaabkii hore ee nidaamka Jabhada asagoo la dooran doono Xoghaye guud waxaana meesha ka bixi doona in gudoomiye ku xigeen yeelato Jabhadu.

Sidoo kale waxaa wali socda oon soo dhamays tirmin doorashadii xubnaha Golaha dhexe ee JWXO kuwaasi oo lagu wado inay soo baxaan tiro intii hore ka badan, shirka ayaa wuxuu socon doonaa ilaa 10/07/2018 ka.

Waxaan dib idiin kasoo gudbin doonaa hadii eebe yidhaahdo warbixinta oo dhamaystiran.

Hoos ka daawo sawirada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay