Guddi ay horey dowlada federaalka u magacawday in ay wada-xaajood la sameeyaan dowlada Sacuudiga si xoolaha Soomaaliya xayiraada looga qaado ayaa markii ugu horeysay faah faahin ka bixiyey sababaha soo dedejiyey in Sacuudigu uu fasaxo iib geynta dalkiisa ee xoolaha nool ee soomaaliya.

Guddigu ayaa sidoo kale sheegay in suuqyo cusub oo ay Masar ka mid tahay loo helay xoolaha Soomaaliya. Xoolaha Soomaaliya ayaa aad looga jecelyahay meelo badan oo kamid ah dunida gaar ahaan wadamada carabta.

Soomaalida Ogadenya ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee Xoolaha Soomaaliyed ay ka yimaadaan. Ogadenya ayaa caan ku ah xoolaha nool iyo wax soo saarka beeraha, balse Gumaysiga Itoobiya ayaa cunoqabatayn balaadhan kusoo rogay Ogadenya tan iyo sanadkii 2007 dii.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay