Waxaa si habsami ah wali uga socda wadanka Eritrea Shirwaynihii 3-aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) waxaana ilaa shalay socotay doorashada madaxda ugu saraysa ee JWXO oo ay dooranayeen ergadii ka qayb gashay shirwaynihii 3-aad JWXO.

Hadaba waxaa maanta Xoghayaha Guud ee JWXO loo doortay Mudane Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey oo horay u ahaa Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada ee JWXO, kana mid ahaa aas aaseyaashii Halganka Soomaalida Ogadenya.

Xoghayaha cusub ayaa wuxuu yeelan doonaa sida uu dhigayo xeerka cusub ee JWXO awood dheeri ah oo dhanka fulinta ah. Mudane Maadeey ayaa waxaa lagu xasuustaa dadaalkii dheeraa ee uu galiyay halganka Soomaalida Ogaadeniya mudadii uu halganka kusoo dhex jiray isaga oo maxfallo caalami ah gaadhsiiyay qadiyada Soomaalida Ogadenya.

Dhanka kale waxaa la kordhiyay xubnaha Golaha Dhexe, iyada oo la magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya Golaha Dhexe ee JWXO halka xubno horay uga tirsanaan jiray Golaha Dhexe ay lumiyeen xubinimadii Golaha.

Faah faahinta arimaha Shirwaynaha waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay