Wararka naga soo gaadhaya wadanka Eritrea ayaa waxay sheegayaan inuu gaadhay magaalada Asmara ee dalka Eritrea raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed kaasoo booqasho ku tagay wadankaasi.

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii ugu horreeyey ee Itoobiya oo booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaatameeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

Raysal wasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxwaynaha dalka Eritrea Asias Afwerki wuxuuna kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Yohanes IV International Airport.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’isal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday dawlada Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea ugu celinayo dhulkii ay horay uga qabsadeen.

Heshiiskaa oo ay gaadheen gudidii loo saaray khilaafka xadka sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya horay ugu aqbalin.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sida la sheegay waxaa ku weheliya safarkiisa madax sare oo ka Kamida gumaysiga Itoobiya waxayna kulamo wada qaaday doonaan madaxwaynaha dalka Eritrea Asias Afwerki.

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993 dii ka dib 30 sannadood oo halhan hubaysan ay kula jirtay gumaysiga Itoobiya, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeya waxaana ku dhintay kumanaan qof.

Ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil, Abiy waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay