Wararka nagasoo gaadhaya dalka Eritrea ayaa sheegaya in Dawladaha Eritrea iyo Itoobiya isku af garteen dhamaan arimihii ay ka wadahadleen kuna heshiiyeen in durba la dhaqan galiyo qodobadan hoos kuxusan oo kal ah sidan soo socota:-

1: Inn dib loo furo safaaradaha labada dal.
2: Dib u bilaabida dulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Asmara iyo Addiss Ababa.
3: Inay Itoobiya wax kalasoo degto dakadaha wadanka Eritrea sida casab iyo Mussawa.
4: Inay Itoobiya ka baxdo dhulkii ay horay uga qabsatay wadanka Eritrea.

Sida aan warar kaanagii hore idiin ku sheegnay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxa uu booqasho rasmi ah kujoogaa wadanka Eritrea oo ay colaad dheer udhaxaysay, waxaana colaadan huriyay kooxdii nabad diidka ahayd ee TPLF oo 27-kii sanee udanbeeyay dhamaan gobolka Geeska Africa ka waday isku dir iyo xasuuqyo aan horay loo arag.

Talaabadan uu Abiy Ahmed qaaday ee ku aadan nabadaynta Geeska Africa siiba Eritrea iyo dadka lagumaysto ee Itoobiya ku hoos nool ayaa ah talaabo dhanka wanaaga uu uqaaday ammaan badana loogu soo jeediyay balse waxaa looga baahanyahay inuu sii wado isbadalka guud ee Geeska Africa iyo midka Shucuubta Itoobiya kuhoos noolba

Shacabka Soomaalida ogaadeniya ayaan ilaa hada wax nafis dareemin oo waxaa wali xabsiyada ka buuxa maxaabiis ah kuwa cusubna waaba lasii xidhaa intii xabsiyada lagasaarayna banaan cidla ah ayaa biyaha lagu dhaansada laguna bahdilaa

Hay,adaha xuquuqda aadanaha ayaa aad uga dayrisay gumaadka iyo xidhayga aan kala joogsiga lahayn ee wali kasii socda guud ahaan dhulka Soomaalida Ogadenya gaar ahaana xabsiga wayn ee jeel Ogaden waxaa Abiy Axmad loogu fadhiyaa inuu wax ka qabto dhibaatadan dadka Soomaalida  Ogadeniya la fac-tirsatay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay