Kadib markii labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea meel iska dhigeen colaadii mudada dheer u dhaxaysay, ayaa waxaa ay u muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga mid noqoto Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii ay sanadkii 2007-dii ka baxday xubinimada Ururka. Maxbuub Macalin ayaa ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida geesinimada leh ee uu u fuliyay heshiiskii Algiers iyo inuu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal Eritrea iyo Itoobiya.

Labada dal ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xidhiidhkooda ka dhaxeeyay, iyadoo la isu furayo ganacsigii iyo duulimaadyada, waxaana diyaaradda Ethiopian Airlines lagu wadaa inay duulimaadyadeeda ka bilowdo Eritrea muddo 20 sano kaddib.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.