Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Ahmed ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Asmara ee wadanka Eritrea wuxuu khudbad kooban ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha wadanka Ertirea Isayas Afewarqi.

Nuxurka khudbada Abiy ayaa u dhignayd sidan ” waxaan Aniga Iyo Madaxweyne Af-wark ku heshiinay in Safaaradihii labada dal dib loo furo in duulimaadyadii labada dal diyaaradahoodu dib ushaqo galaan. In dekadihii ay dib u shaqo galaan, In labada shacab is-booqdaan, anaguna Asmara ka soo degno, idinkuna booqataan Addis Ababa oo bunka la wada cabo. Waxaa maanta Asmara ka da ay roob xambaarsan kalkacal (jecayl), roobkaasi guud ahaan wuxuu ka da,ay Bariga Afrika.

Waxaa maanta dumay darbigii colaada waxaana bedalaya buundooyin aynu isku xidhno, waxaan tacsi u dirayaa ehaladii dadkii ku dhintay dagaalkii labada dal, Jecaylka Iyo kalgacalka ayaa ka xoog badan hub casri ah, taanki iyo gantaalo. Waxaan idiin wadaa kalgacal iyo jecayl. Waxaannu rabaa in aanu u gudubno horumar, bar waaqo iyo nabad dhammaan Geeska Afrika oo dhan”.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay la soo baxay siyaasad fur furan oo uu Itoobiya uga weecinayo waddadii ay horay ugu socotay, waxaana uu muuqata in durbaba uu hagaajiyay xidhiidhkii dalku uu la lahaa wadamada gobolka gaar ahaana Eritrea oo colaad gaamurtay ay u dhaxaysay labada dal.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.