Weerar mir ah oo si joogta ah loogu qaaday 21, 22, iyo 23kii bishan March 2012 xeryaha ay ciidamada cadawgu ka daggan yihiin magaalada Dhagaxbuur caasimada gobolka Jarareed ayaa khasaare laxadleh lagu gaadhsiiyay. Xerayaha la weeraray ayaa kala ah, Xeradda Bangiga, xeradad Buundad  Togga , iyo xero ku taal xaafada Lixaad.

Ciidamada qaybta Duufaan ayaa  mir joogta ah ku hayay ciidamada cadawga kaas oo ku abuuray khalkhal iyo argagax . Warar laga helay dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in fadhiisamadii cadawga ee xerada Bangiga dhamaanba la baabi,iyay, waxaana si toos  ah loo arkayaa ciidanka cadawga oo ku hawlan  Aasitaanka Mayaydadkii  ku dhamaaday  guuda ahaan xeryahaas

Dhacadadan la yaabka leh  ayaa waxay cadawgii ku abuurtay inuu jiif iyo joog midnaba qaban waayo islamarkaana uu isku koobo goobo  gaar ah oo uu isku ilaaliyo.

Khaasaraha soo gaadhay xeryahan oo mid walba la miray saddex habeen oo xidhiidh ah ayay  dadku ku tilmaameen  inuu gaadhayo boqolaal askari ,hase yeeshee ay adag tahay in la ogaado tirada sax ah

Hawlagan waxaa barbar socday abaabul balaadhan iyo shirar ay ka qabteen ciidamada geesiyiinta ee jwxo xaafadaha magaalada dhagaxbuur ,isla habeenadii ay falkan fulinayeen , taasina waxay muujinaysaa kalsoonida ciidanka iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya  ciidamada jabhadda iyo shacabka deegaanka.

Dad goob ahaa ayaa xaqiijiyay  in shirarka  ciidamadu ku  dhaceen jawi farxad leh kana qabsoomeen inta  badan magaalada  dhagaxbuur habeenadii uu ka socday hawlgalka dagaalku,  taas oo ay dadku sacab iyo damaashaad  ku soo dhaweeyeen islamarkaana ugu hanbalyeeyeen geesinimada  ay muujiyeen iyo gacanta loo baahnaa ee ay ku dhufteen ciidanka cadawga

Dhacdadan  ka dib ayaa ciidankii cadawgu sidii caadada u ahayd waxay ku gadoodeen dadkii deganaa magaalada dhagaxbuur ,wararka aan ila  hada helaynaana waxay xaqiijinayaan in tirade dadka xabsiga loo taxaabay ay   gaadhayso  60 ruux   u badan dad laga soo qabqabtay agaarka xeryaha cadawga ee la burburiyay

Wararkan wixii ka soo kordha dib ayaan ka soo gudbin  doonaa.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. samadoon says:

    alaahumma ij cal haa run alow run kadhig

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay