Kadib qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ee Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka Wasaaradda laga qaaday Cabdicasiis Xildhibaan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa waxaa lagu sheegay in warqada xilka qaadista Afhayeenkii Wasaaradda amniga ay soo baxday 5 bishan July balse aanan warbaahinta lala wadaagin. Laakiin C/casiis (Xildhibaan) ayaa dhinaciisa sheegay in been abuur ay tahay xilka qaadistiisa in ay soo baxday 5-tii bishan balse isaga uu Wasiirka Amniga u gudbiyay is-casilaadiisa 7-dii bishan kaddib weerarkii Otto Otto.

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii C/casiis Xildhibaan uu weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda isaga oo sheegay in ay gabeen howlihii loo idmaday. Ninkan ayaa waxaa lagu xasuustaa taariikh dii madoobayd iyo gadaafadii habkii uu uga hadlay dhiibistii Naftiihure Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) ee kal hore.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.