Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana xarunta dhexe ee JWXO ayaa waxay sheegayaan in dad shacabka ah iyo hawaarinta ay ku dagaalameen tuulada Baka ee ka tirsan gobolka jarar, dadka shacabka oo dhagax u adeeg saday hawaarinta ayaa tuulada dhagax kaga saaray koox hawaarin ah oo dhibaato ku haysay dadka shacabka ah ee ku dhaqan Baka.

Dhanka kale waxaa xabsiga Birqod ee gobolka jarar la keenay dad shacab ah oo lagasoo qab qabtay tuulada Baka ee gobolka Jarar waxaana helay qaar kamida magac yadooda waxaana kamida Xasan Cali Dhawac, Axmed Mahad & Xassan Wali Caabudhiin.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulada Baka ayaa waxay ku qaylinaayeen allaahu akbar waxay dhagaxaan ku tuurayeen kooxda hawaarinta ayagoo kasoo hor jeeday dhibaatada ay hawaarintu ku hayso tuulada Baka.

Ciidamada arxanka daran ee hawaarinta ayaa waxay dhibaato xoog badan ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha Ogaadeniya.

ONA/Ogadeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.