Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay, afar kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay bariga dalka Afghanistan.

Qofka ismiidaamiyey ayaa walxo qarxa oo uu jirkiisa kusoo xidhay ku qarxiyey bar amniga laga maamulo oo ku taalla magaalada Jalalabad ee caasimaada gobolka Nangarhar ee ku teedsan xuduudda dalka Pakistan.

Afhayeen u hadlay gobolka, Attaullah Khogyani ayaa saxaafada u sheegay in sideed qof oo shacab ah iyo laba ka tirsanaa howlwadeenada sirdoonka dalka Afghanistan ay ka mid yihiin dadka dhintay. Goobjoogeyaal ayaa saxaafada u sheegay in shaqaalaha amniga ay baadhayeen baabuur markii qofka isqarxiyey uu kusoo socday kadibna isqarxiyey. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Dhinaca kalena, weerar ay xalay fulisay ayey kooxda Taliban ku dishay taliyihii booliska degmo ka tirsan gobolka koonfur bari ee Ghazni. Weeraro iyo qaraxyo khasaare balaadhan gaystay ayaa hadheeyay dalka Afghanistan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.