Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in la dhammeeyo xiisaddii dagaal ee ka dhaxeysay dalalka Eritrea iyo Itoobiya, kadib markii dhawaan uu dalka Eritrea booqdey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

War ka soo baxay xafiiska Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu sheegey in Mareykanku uu soo dhaweynayo dadaallada ay wadaan Ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afawarke, taas oo lagu soo afjarayo colaadda 20 jirsatay ee labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea.

Warka ayaa lagu yidhi “Xaaladda caadi ka dhigista xiriirka laba dal iyo dhaqan gelinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo nabad galyo ee u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya waxa uu dadka labada dal u saamixi doonaa fursado ay diiradda ku saaraan xiriirka siyaasadeed iyo midka bulsheed.”

Ugu dambeyn, xoghaye Pompeo ayaa sheegey in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu caawiyo hannaankan isla markaasina uu dhinacyada kala shaqeeyo sidii loo heli lahaa kalsooni cad oo labada dhinac ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.