Waxaa kulan muhiima isugu yimiday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika gudiga Jaaliyada Ogaadeniya ee Pretoria & Johanesburg iyo ergadii kasoo laabatay Shirwaynihii 3aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay dalka Eritrea.

Shirka ayaa waxaa furay Mudane Mohamed Daahir oo kamid ahaa ergadii shirwaynaha kasoo laabatay wuxuuna kasoo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay. Ergadii ayaa waxay warbixin siiyeen gudigii faracyada waxaana la isa siiyay xog waran ku saabsan shirka iyo sidii uu u dhacay.

Sidoo kale waxaa la is la meel dhigay in kulan balaadhan la qabto hadii eebe yidhaahdo. Shirkan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxana lagu balamay in la qabto shirkale oo dhamaan jaaliyadu kasoo qayb gasho.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay