Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ee labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul uga hadlay Faragelin uu sheegay in lagu hayo shaqadii loo igmaday Guddigooda.

Waxa uu sheegay Senatorka in loo gacan dhaafay howshii loo xil saartay Guddiga, Isagoo dhinaca kalena sheegay ineysan jirin cid wax ka qabaneysa cabashadooda oo mudooyinkanba soo taagneyd, dhowr jeerna ay gaadhsiiyeen cida ay khuseyso.

Xoghayaha Guddiga dib u eegista dastuurka Baarlamaanka labadiisa  aqal, ayaa sidoo kale sheegay ineysan lamid ehayn xukuumadaha heer Federal iyo Dowlad Goboleed, balse iyagu ay yihiin Guddi Shaqo loo dirsaday islamar ahaantaasina aaney heysan wixii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Waxa uu ugu danbeyntii sheegay in dhibaatooyinka iyo caqabadaha Guddigooda lasoo darsay uu qeyb ka yahay arimo ay ehayd in mar hore xal loo helo oo ka dhashay Shirkii Magaalada Baydhabo ay ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Dowladda Dhexe.

Si Kastaba, Guddigan uu Gudoomiyaha u yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay caqabado Shaqadooda heysta, iyadoo wali loo dhag raaricin la’yahay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay