Habeenkii xalay oo ay taariikhdu ahayd  24/3/12 Hawlagal si gaara loo qorsheeyay oo loogu talagalay in gacanta lagu soo dhigo qaar ka mid ah cadawga halganka ayaa  laga fuliyay magaalada Qabri dahar ee xarunta Gobolka Qoraxay.

Wararka  aan goor-dhaweyda ka helay Xarunta Dhexe ayaa nooloogu xaqiijiyay in qorshahan uu u fulay sidii loogu talagay, islamarkaana gurmad ay soo sameeyeen ciidamada cadawgu ka dib markii ay ka baxeen magaalada ciidamadii JWXO magaalada in isagiina lagu fashiliyay duleedka magaalada.

Canaasirtii la soo qabqabtay oo tiradooda ay gaadhayso 15 xubnood ayaa lagu hayaa meelo gaar ah oo ilaa hada su’aalo lagu waydiinayaa  xarunta taliska Qaybta Danab.

Dhaqdhaqaaqa CWXO ee gudaha magaalooyinka waawayn ayaa sii kordhay iyadoo habeen hore ay ahayd markii Qaybta Duufaan ay dagaalada xoogan ka fuliyeen xeryaha ku yaala magaalada dhagaxbuur dagaalo mir ah oo isdaba jooga ah.

Maalintii shalay oo ay taariikhdu 23/3/12 ayaa Cidamada Wadaniga Xoreynta Ogadenya waxay kamiin u galeen kolanyo gaadiid ah oo maraysay inta u dhaxaysa  Galaaalshe iyo Goray. Warka laga helayo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegayaa in khaasre lixaad leh  oo isugu jira dhimasho ,dhaawac  ,iyo burbur gaadiidba uu ka soo gaadhay cadawga halkaasi ,waxaana dadkaasi cadeeyeen in ilaa iyo manta ay oo ay bishu 24/3/12 ciidankii cadawgu ku sugan yihiin goobtii lagu weeraray islamrkaana ay ku hawlan yihiin  aasitaanka ciidankii laga laayay,mana jiro ilaa hada wax gurmad ah oo soo gaadhay ciidanka cadawga

dhinaca kale waxaa jira dagaalo  kale oo  ka kala dhacay mudadii u dhaxay 15-19/3/12 deegaanada kala ah Tayaag oo ka tirsan Dhagaxmadaw,Barmiilka ,Dharkaynlay oo ka tirsan Dhagaxbuur,Kari- cagaag,oo ka tirsan Garbo ,Malayko, Haarcad dagaaladaas waxaa cadawga lagaga dilay  12 askari waxaana lagaga dhaawacay  15 askari oo kale, waxaana ciidanka cadawga lagaga furtay hub iyo saanad ciidan  oo akla duwan

wararkan iyo wixii ka soo kordhaba waxaan ku faahfaahin doonaa qoraaladeena danbe.

Halkanna waa heestii Wacad

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay