Madaxwaynaha dalka Eritrea mudane Issayas Afeworki ayaa wuxuu booqasho ku imaanayaa maalinta Axada ah ee soo socota oo ku beegan 15/07/2018 ka Magaalada Adiss Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya.

Booqashadan ayaa noqon doonto mid taariikhi ah waxaana markii ugu danbaysay ee xidhiidh dhexmaro labada wadanka Eritrea iyo gumaysiga Itoobiya laga jooga mudo 20 sano ah waxayna ahayd xidhiidhkii ugu danbeeyay ee labada wadan dhex mara  1998 dii ka hor intuusan bilaaban dagaalkii dhex maray labada wadan

Booqashada madaxwayanaha Eritra ayaa waxay daba socotaa kadib markii raysal wasaaraha Itoobiya uu booqasho dhawaan ku tagay wadanka Eritrea ayagoo heshiisyo badan kala sixiix day.

Dhanka kale duulimaan yadii ugu horeeyay ee labada wadan ayaa waxay toos u bilaab mi doonaan 18/07/2018 ayadoo aysan jirin wax Vissa ah waxaana arintaas lagu macneeyay inay tahay talaabo wanaagsan oo horseedi karta in geeska afrika si nabad ah loogu wada noolaado.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay